Calendar

Madaweynaha oo ka qeyb galayo sanad guradii 40-aad ee qorista Farta- Soomaaliga [SAWIRO]

Axad, Desember, 16, 2012 Muqdishu, Soomaaliya |  Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta wuxuu u dhoofay Jamhuuriyada Jabuuti si uu uga qeyb galo Sanad Guuradii 40 aad ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyay in luuqada af Soomaaliga la qoro.

Wafdigan uu Madaxweynaha hogaaminayo ayaa ka kooban shaqsiyaad kuxeel dheer luuqadaha (Luuqad Yaqaano) iyo Gudoomiyayaal Jamacadeed. Munaasabadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo caasimada Jabuuti ayna kasoo qeyb galaan shaqsiyaad aad ugu xeel dheer dhaqanka iyo Afka- Soomaaliga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa wuxuu shaagey ”waxaan ka shaqeyn doonaa dib-u-soo nooleynta adeegsiga far Soomaaliga mar walbo in aan hormariyo waxbarashada waa howlaha igu muhiimsan ”Sidoo kale wuxuu sheegay in horumarinta Afka- Soomaliga iyo dhaqanka ay muhiim u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Lixda tiirar siyasadeedka Madaxweynaha wuxuu ku qeexay tiirka afaraad in la hagaajin doono qaabka wax barashada ee Soomaaliya taasna ay horseedi doonto midnimo iyo wadananimo. Lixda tiirar siyasadeed ayaa waxaa ku qoran qorshaha siyaasadeed ee Madaxweynaha.

Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Villa Somalia, Mogadishu

[slidepress gallery='madaweynaha-oo-ka-qeyb-galayo-sanad-guradii-40-aad-ee-qorista-farta-soomaaliga']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: