Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Koofurta Kuuriya [SAWIRO]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraqaadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Koofurta Kuuriya ay usoo dirsatey Soomaaliya Danjire kim Chan wo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay safiirka cusub ee Koofurta Kuuriya kim Chan wo sida uu ugu faraxsan yahay in xiriirka labada dal ka dhexeeya labada dal dib loo soo celiyo, kadib muddo 22-sano.

Wasiir kuxigeenka arimaha dibada Jamaal Maxamed Barow oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in wax badan ay soo kordhinayso soo celinta xiriirka labada dal, isagoona xusay iney jiri doonaan mashaariic ay dowlada Kuuriyada Koofureed ka fulin doonto Soomaaliya, mustaqbalka dhaw.

Danjiraha cusub ee Koofurta Kuuriya kim Chan wo ayaa sheegay in soo celinta xiriirka labada dowladood ay gacan ka geysan doonto iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Koofurta Kuuriya ayaa kamid ah wadamada ugu dhaqaalaha buuran caalamka, iyadoona awoodeeda iyo saameynta ay ku leehdahay caalamka ay sii kordhayso.

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: