Calendar

Madaxweyne Shariif oo Muqdisho ku laabtay

madaxweynahaBartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku laabtay Muqdisho isaga oo ka soo duulay Magaalada Kampala Ee Dalka Ugandha.

Madaxweyne Shariif ayaa Laba Cisho ku sugnaa Magaalada Kampala Ee Dalka Ugandha oo uu u tagay dalab ciidan iyo Howlgalinta Ciidanka Amisom si ay ammaanka Muqdisho u soo galiyaan gacanta dowlada ka hor inta aanu xilka ka dagin Shariif.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Ugandha kula soo kulmay Madaxweynaha Dalkaasi iyo wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliska sare Ee Ciidanka Amisom gaar ahaan Ciidanka Ugandha ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo hada jooga dalkiisa Yugandha.

Shariif ayaa waxaa qalbi jab ku ah isaga oo aan ka talin gudaha Muqdisho in uu xilka isaga dago waxaana taasi ay qasab ka dhigtay in uu dalab gaar ah u jeediyo dowlada Ugandha oo ciidanka ugu badan ka joogaan Muqdisho si ay ugu yaraan Muqdisho u soo gacan galiyaan.

Lama garanayo qorshahaasi oo uu Madaxweynaha u tagay Ugandha waxa uga hirgalay wallow dhibaato dhanka ammaanka ah ay weli iska jirto oo amisom ku kalifaysa in ay dhulka saldhigyada ah isku koobto maadaama alshabaab ay awoodeeda kor u kacday.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: