Calendar

Magaalada Muqdisho oo saaka dagan ka dib dagaal xalay ka dhacay.

ahlu sunaahBartamaha(Muqdisho):-Xaalada guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaal qaraar oo xalay ka dhacay Magaalada kaasi oo qasaara badan geystay.

Degmooyinka Hodon iyo Hol-Wadaag ayaa dagaalka uu saamayn xoogan ku yeeshay markii Kooxaha Mucaaradka ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada Amisom Muqdisho.

Weerarka Islaamiyiinta ayaa waxa ay ku qaadeen fariisinka Amisom Wadada Shaqaalaha iyo Isgoyska KM.4 iyadoo dagalka uu saamayn xoogan ku yeeshay deegaandaasi.

MNadafiic aya ku hoobatay Deegaano dadkii daganaa ay ka barakaceen gaar ahaan Degmada Hodon iyadoo halkaasi ay weerarka ka soo qaadeen Kooxda Mucaaradka ee xalay dagaalka qaaday.

Xaalada ayaa saaka u muuqata mid xasiloon iyadoo saamaynta dagaalkii xalay laga dareemay deegaano ka baxsan goobta dagaalka uu ka dhacay sida Degmada Howl-wadaag oo duqeyn loo geystay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: