Calendar

Markab dalka Ingiriiska ka diiwaangashan oo la sii daayay.

markab004_QOL

Bartamaha (Nairobi):-Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxa ay sii daayeen Markab laga leeyahay wadanka Ingiriiska laguna magacaabo “James Park” ahaana nuuca Kiimikada qaada ayaa burcad badeedu fasaxeen kadib markii la siiyay lacagtii Madax furashada aheyd ee ay dalbadeen .
Sii deysmada Markabka laga leeyahay wadanka Ingiriiska ayaa waxaa xaqiijiyay Ciidamada la dagaalanka Burcad badeeda ee ka socda Midawga Yurub kuna sugan Xeebaha dalka Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed inkastoo aan la carabaabin lacagta la siiyay Burcad badeeda.
“Subaxnimadii May 13, 2010 ayaa lacagta Madax furashada la gaarsiiyay burcad Badeeda ku sugan Garacad, Markabkana waxa hadda gacanta ku haya ciidanka Badda ee Midowga Yurub wuxuuna ku xiran doonaa Xeebta Oman” ayuu yiri John Harbour.
Markabka ayaa burcad badeedu waxa ay gacanta ku dhigeen bishii December ee sanadkii hore, markabkan ayaa ka soo qaaday Kiimiko dalka Spain isagoo ku wajahnaa dalka Thailand.
Shaqalaha saarnaa Markabka oo tiradooda lagu sheegay in ay gaaraysay 26 kana soo kala jeeda wadamda Russia, Ukraine, Georgia, India, Romania, Bulgaria, Poland, Philippines iyo Turkiga ayaa la cadeeyay dhamaan in ay noolyihiin caafimaadkooduna uu wanaagsanyahay.
Markabkani oo sii anba qaaday safarkiisa kadib markii la sii daayay ayaa la sheegay intii uu gacanta burcad badeeda ku jiray in uu ku xirnaa meel aan saa uga fogeyn xeebta magaalada Garacad halkaa oo ciidamda la dagaalanka burcad badeeda ee ka socda Midawga Yurub ay kor kala socdeen xaalada markabkan laga leeyahay dalka Ingiriiska.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa hadda tobonaan markab iyo shaqaalo ka badan 300 iyadoo sidoo kalle ay wali heestaan Paul and Rachel Chandler oo ah lamaane u dhashay dalka Ingiirka.

Ibraahim Da’ud Aballe

[email protected]

Xafiiska Bartamaha ee Nairobi,Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Piracy, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: