Maxaa dhacay Maalintii la xerayay Allaha u Naxariistee Muuse Xirsi Faahiye? (Video Sheeko ah).

Posted on Dec 11 2010 - 3:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

mamaBartamaha (Nairobi):- Marwadii Allaha u Naxariistii Muuse Xirsi Faahiye Safiirkii hore Ee Soomaaliya ayaa waxa ay Bartamaha Media uga sheekaysay qaabkii Maalintaasi loo xeray Md.Faahiye iyo dhacda xanuun badan oo dhacday.

Zaynab Cismaan Maxamed oo ahayd Marwadii Faahiye ayaa waxa ay sharaxaad guud ka bixisay dhacdooyin murugo leh oo dhacay maalintii la qabanayay Allaha u Naxariistee Muuse Xirsi Faahiye.

Marwadii Faahiye waxa ay sheegtay in Maalintii 25-janaayo 1995 ay dhacday in Ciidan ay gudaha u soo galeen Dhismaha Safaarada Soomaaliya waxaana xiligaasi ay qabsadeen Muuse Xirsi Faahiye safiirkii soomalaiya waxaana ay sheegtay dhacdooyin la yaab leh sida

In Muuse Xirsi allaha u naxariistee uu ku adkaystay badbaadinta Calanka Soomaaliya iyo astaantii qalanka lahaa sida Shabeelada iyo Calanka oo bartanka kaga yaalay oo ay doonayeen in ciidanka ay jabiyaan.

Goobtii laga jabin lahaa astaanta oo www.Bartamaha.com Video ahaan aad uga daawan doontid iyo sheekooyin ku aadan Qolkii laga qabtay muuqaalkiisa iyo goobo kale.

DAAWO VIDEO:-