Calendar

Mudaaharaad lagusoo dhaweynaye Al Shabaab oo Galabta ka dhacay magaalada Jowhar.

shabab1BARTAMAHA(Muqdisho):-Mudaaharaadyo balaaran ayaa galabta ka dhacay magaalad Jowhar Gobalka Shabeelaha dhexe oo ay dhawaan lawareegee Xoogaga Al Shabaab.

Kumanana Shacab ah ayaa galabta isugusoo baxay Garoonka Kubadda Cagta magaalada Jowhar halkaas oo ay khodbado ka jeediyeen Saraakiil Al Shabaab ah.

Wraraka nagasoo gaaraya ,magaalada Johar ayaa sheegaya in Mudaaharaadka ay ka hadleen qaar katirsan saraakiisha Xoogaga qabsaday magaalada islamarkaana ay shacabka ubalan qaadeen hab dhaqan wanaagsan iyo in aan wax loo dhimi doonin horumarkooda.

Sarkaal lagu magacaabo Cabaas oo Shacabka iskusoo baxay lahadlay ayaa sheegay in Al Shabaab ay Amniga sugi doonto islamarkaana la xoojin doono ku dhaqanka shareecada Islaamka.

” walaalayaal Al Shabaab Amniga ayay sugi doontaa waxaadna ogaataan in aad lamid noqo doontaan dadka ku dhaqan gobalada kala ah,Jubooyinka Bay,Bakool , Sh/hoose, dhamaan dhulkaas anagaa xukuna waxaana ku dhaqnaa shareecada Islaamka” ayuu yiri Cabaas.

Majirin Mas’uuliyiin caan ah oo Al Shabaab katirsan oo ka Khodbadeeye Shacabka magaalada Jowhar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in magaalada uu soo gaaray Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur islamarkaana uu xaliyay ismaan dhaaf udhexeeyay Hay’adaha samafalka iyo Ciidanka Al Shabaab.

BARTAMAHA/RBC Muqdisho Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: