Calendar

[MUUQAAL + SAWIRO] Xasan Sheekh Oo La Kulmey Obama Iyo Clinton, Lana Hadlay Dadweyne Faro Badan Iyo Saxafada

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga magalada washington ee cariga dalka Mareykan-ka ayaa kulamo la qaatey dhigiisa dalka Mareykan-ka Barack Obama.

Kulanka oo ka dhacay guriga White House-ka ee looga taliyo Mareykan-ka ayaa waxa looga wada hadlay xiriirka labada dal oo dib loo hagaajinayay.

Kadib, Madaxweynaha Soomaaliya waxa ay wada hadal dheer wada yeesheen xog-hayaha arimaha dibadda Mareykan-ka Hillary Clinton oo ka wada hadlayeen xiriirka labada dal ka dhexeeya oo ku jirey mugdi fro badan tan iyo markii dowladnimada SOomaaliya ay burburtey 1991-kii balse meesha ka wada baxdayba markii la diley 19-askari oo Mareykan ah dhamaadkii sanadkii 1993, kuwaas oo nabad soo celin u joogay Muqdisho.

Clinton waxa ay si cad ugu dhawaaqday in xiriirkii labada dal lasoo celiyey, taas oo u go’gol xaaraysa in labada dal ay is dhaafsadaan diblomasiyiin ayna hay’adaha Mareykan-ka iminka imaan karaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka timid wado dheer oo dhib iyo qalalaaso ay kusoo jirtey iminkane ay cagta ku hayso wadada hormarka iyo guusha.

Waxa uu Xasan Sheekh intas ku daray iney xasuusanayaa sidii wanaagsaneed ee Mareykan-ka u garab galey dadkiisa mudadii ay jireen dagalada sokeeye isla markaane uu filayo inxiriirka cusub meel wanagsan u horseedi doono.

Ugu danbeyntii madaxweynaha Soomaaliya waxa uu tagay xarunta macluumaadka caalamiga ee CSIS oo kula hadlay boqolaal dad ah iyo saxafada halkaas oo kaga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo wadadii dheereed ee loo soo marey meesha hada la joogo.

Xasan Sheekh waxa u ka hadlay dhinaca amaanka uu sheegay in ciidamada haatan si weyn u helayaan qiimeyn wanagsan isla markaane mushaaradooda ay qaadanayaan, dhinaca musuq masuqane ay la dagalamayaan oo wadooyinkiii sharciga ee dhaqalaha ay mari lahayeene dib loo soo celinayo, isagoona xusay in dhaqalaha ay dib usoo kabsanayo oo wadaan qorshooyin wanaagsan.

DAAWO SAWIRADDA

[slidepress gallery='xasan-sheekh-oo-la-kulmey-obama-iyo-clinton-lana-hadlay-dadweyne-faro-badan-iyo-saxafada']

DAAWO MUUQAALKA

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Photos, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: