Calendar

OBAMA Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado OKLAHOMA

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa goor dhowayd ka hadlay masiibada ka dhacday Gobolka Oklahoma halkaasoo ay ku dhinteen ugu 24 qof, kadib dabaylaha ku dhuftay magaalada Moore oo u dhow Oklahoma City.

Madaxweyne Obama oo ka hadlayay Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa ku yaboohay gurmadka dawladda dhexe.
 
Dhinaca kale saraakiisha Gobolka Oklahoma, ayaa hoos u dhigay tirada dadka ku dhintay gobalkaas oo ay ka dhigeen 24 qof, iyadoo markii hore la shaaciyey tiro intaa ka badan, saraakiishu waxay sheegeen in qaladka tirada uu ka dhashay iyadoo maydadka qaarkood laba jeer la tiriyey, waxayse sheegeen inay tirada kordhi karto kadib marka la baadho burburka guryaha.

Warbixinno ku saabsan hadalka madaxweynaha iyo wararkii ugu danbeeyey ee duufaanta halkan hoose ka dhageyso.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: