Calendar

Bandhig Dhaqameed Lagu soo bandhigaye Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Oo Lagu Qabtay Nairobi

Xaflad Balaaran oo lagu soo bandhigayay hidihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay hotelka Liaco Regecny ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xafladan oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka udoodo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SYAO.

Bandhig dhaqameedkan ayaa waxaa Waxaa ka soo qeybgalay dadweyne kor u dhaafayay 270 oo ka kala socday bulshada qeybaheeda kala duwanaa sida, Diblomaasiyiin caalami ah, safiiro ajnabi ah, siyaasiyiin Soomaaliyeed, haween odayaal dhaqameedyo, dhalinyaro iyo dhamaan qeybaha bulshada.

Goobta Bandhig dhaqameedka ayaa waxaa lagu xardhay agabkii Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, Calanka Soomaaliya, Halku dhigyo Hidaha iyo Dhaqanka ka tur jumayay iyo dhamaan sharaxaadii farshaqanka.

Kooxda Shamsudiin Ban ayaa goobta ku soo bandhigay dhamaan ciyar dhaqameedyada Soomaalida sida Heeso, Ciyaaraha Hidaha dhamaan gobolada dalka laga ciyaaro , Agabka Hidaha, Dharkii hida, Majaajilooyin qosol lahaa, Riwaayado iyo Sheekooyin ifinayay Hidiha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhamaan ka qeyb galayaashii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay Xaflada ayaa si aad ah ula dhacay agaasinka iyo qaban kaabada Xaflada Lagu soo Nooleynayay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, waxa ayna Amaan u jeediyeen Ururka Soo qaban qaabiyay ee SYAO

Qeybaha dhexe ee bandhiga ayaa waxaa daadihinayey Abwaan Idaajaa oo ah Abwaan Soomaaliyeed oo can ku ah taarikhaha dhaqanka iyo suugaanta , waxaana uu daadihiyey barnaamij loogu magac daray “Su’aalaha dhaqanka “ oo lagu bixiyey hadiyado qaali ah sda Laptopyo , Mopelo , saacado , dhar hidha iyo dhaqanka ah barfuuno iyo lacag .

Dadki ka soo qeybgalay munaasabada bandhig dhaqameedkan ayaa aad ula dhaca , waxaana dadki goobta joogay ka mid ahaa qunsulka safaarada Soomaalida ee Kenya Siyaad Shire , safiirka Soomaalida ee Senegal Owliyo , xildhibaano , safiirada Uganda iyo D Jabuuti Soomaaliya u fadhiya iyo gudoomiyaha SYAO Mohmed Cajiib .

Mohamed Cajiib ayaa dadweynihi iyo siyaasiyiinti soo xaadirtay u sharxay sida SYAO uga go’antahay ilaalinta dhaqanka iyo hidaha soo jireenka si jiilalokoa lumay 20-so ee la soo dhaafay maanka ay ugu hayaan , waxaana sheeay in bandhiga filim ahaan loo soo galin doono aalaha la daawado ee internetka sida malaayin Soomaali ah uga faaideystaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Photos.
« »

Comment: