Calendar

Qaxootiga Soomaalida Ee ku nool Xerada Dhadhaab oo bilaabay in ay sii barakacaan.

10241Bartamaha (Dhadhaab) Xerada Qaxootiga Ee dhadhaab ayaa la sheegayaa in halkaasi ay isaga guurayaan qaxooti badan oo ka mida Soomaalida Deegaan ahaan halkaasi ugu sugnaa.

Qaxoootiga Soomaalida qaar badan oo ka mida ayaa bilaabay in ay caruurtooda halkaasi kala baxaan iyago u guuraya Xerada Kaakuma ka dib markii xaalad Nadaafad xumo ay ka dilaacday Xerada Dhadhaab.

Sida dhawaan ay shaacisay hay’adda Qaxootiga Aduunka UNHCR waxaa Xerada Dhadhaab ku kordhay dadka ka soo cararaya dhibaatada soomaaliya ka taagan kuwaasi oo isku soo dhiibaya hay’adaasi oo ay deegaan ahaan soo galaya Xerada Dhadhaab.

Qoysaska Soomaalida qaarkood ayaa waxa ay gaareen Xerada Kaakuma oo haatan marka loo eego Dhadhaab ka nadaafac wacan islamar’ahaantaana joogto loo siiyo gar-gaarka Bin’aadanimada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: