Qof lagu gowracay Baardheere iyo Bandow la saaray Degmadaasi.

Posted on Dec 1 2010 - 7:35am by News Desk
Tweet
Pin It

shababbBartamaha (Baardheere):- Wiil dhalinyara ah ayaa madaxa looga jaray gudaha Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo  halkaasi oo ay shabaabka Xalay bandow saareen.

Maydka wiil dhalinyara ah oo sida xoolaha loo gowracay ayaa xalay la soo dhigay gudaha Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo oo xalay ahayd degmo Bandow la saaray xilli hore oo fiidnimadii ah.

Askarta Alshabaab ayaa xalay lagu soo daadiyay gudaha Degmada Baardheere iyadoo dadka lagu amray in ay xilli hore magaalada ka xaroodaan si loo dhaqan galiyo Bandow Cod baahiyayaal loogu sheegay dadka reer Baardheere.

Xilli magaalada Bandowgaasi uu saarnaa ayaa saaka dadka reer Baardheere ay ku soo tooseen maydka qof la gowracay waxaana maydkiisa la soo dhigay bartamaha magaaladaasi Baardheere Ee Gobolka Gedo.

Dadka deegaanka qaarkood oo www.Bartamaha.Com la hadlayay ayaa waxa ay sheegeen in ay maydka arkeen isaga oo yaala gudaha Baardheere waxaana dadka ay yihiin kuwa ka argagaxay qofka madaxa laga soo jaray.

Lama garanayo qofkan la qalay sababta loogu gowracay sida Xoolaha waxaana dhacdadan mid la mid ah ay todobaad ka hor ka dhacday gudaha Degmada Balad-xaawo Ee Gobolka Gedo oo nin Nabadoon ahaa madaxa looga jaray.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].