Shabaab oo Nadaafada baraysa Waxgarad iyo dhaqaatiir (Daawo Sawirada).

Posted on Nov 30 2010 - 8:22pm by News Desk
Tweet
Pin It

shabab nadafada gobolkaBartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa bilowday bixinta Tababaro iyo siminaaro la xiriira Nadaafada iyo Caafimaadka.

Gudoomiyaha Alshabaab Muqdisho Cali Maxamed Xuseen iyo Laanta Caafimaadka Alshabaab ayaa iska kaashaday bixinta Siminaar Nadaafada lagu baraayay dad ay dhaqaatiir iyo Waxgarad ay ku jiraan.

Dadka Siminaarka Wanaajinta Nadaafada iyo Ahmiyadeeda la barayay ayaa waxaa ka mid ahaa:-

Ganacsato, culumaa’udiin,Abwaano,Dhaqaatiirta Isbitaalada Keydsanay iyo Dayniile iyo Odayaal dhaqameed la soo xulay Kuwaasi oo dhammaan la barayay ahmiyada Nadaafada.

Laanta Caafimaadka Shabaab iyo Maamulkeeda Gobolka Banaadir ayaa labadaba u khudbeeyay Dhaqaatiirta,Odayaasha,Ganacsatada iyto Abwaanada Nadaafada la baraayay.

Daawo Sawirada:-