Calendar

Raysal Wasaaraha Somalia oo booqanayo Qoxootiga waqooyi Bari Kenya

BARTAMAHA – Cabdullaahi Sheekh Cali (Qalloocow) oo qeyb ka ah wafdi uu hoggaaminayo reysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed  oo ku sugan Xeryaha Qaxootiga  ee Waqooyi Bari Kenya ayaa maanta Warbaahinta  u sheegay in wafdiga uu booqan doono xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee qaxootiga ah.

Prof Qalloocow ayaa tilmaamay in reysul wasaaraha iyo wafdigiisa ay usoo kuurgali doonaan xaaladda Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab.

Reyusul wasaaaha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto shalay kala hadlay arrimaha qaxootiga, isagoo xusay in la dhaqan gelin doono heshiiskii qaxootiga ee u dhexeeyay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR).

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: