Calendar

Baarlamaanka Dalka oo meel marshay gudiga dib u eegista Dastuurka Somalia

BARTAMAHA – Sida uu kusoo waramayo wariyaha Bartamaha Online ee kusugan xarunta baarlamaanka Somalia ayaa waxaa uu ku waramayaa in Golaha shacabka Soomaaliyeed uu Goor dhaw Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Gudiga Madaxa Banaan Ee Dastuurka oo Maal Mahaan Baarlamaanku Dood ka lahaa .

Gudigaan ayaa waxaa Gudoomiye u ah Marwo Caasho Geele Diiriye  oo horay u ahayd Wasiirka Haweenka Puntland isla markaana dhawaan loo magacaabay in Gudigaan Dib u Eegista dastuurka ay Gudoomiye ka Noqoto  Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaana ku dhawaaqay Gudigaasi Natiijadooda .

Baarlamaanku waxaa kale oo uu diiday in uu Meel mariyo Gudiga xaduudaha oo isna maalmahaanba Baarlamaanku dood ka lahaa waxaana ay Xildhibaandu sheegeen in Somalia aysan lahayn Xaduudeyn iyo qayb qaybin Gudigaana uu noqon karo Gudi Micno kale Keeni kara.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: