Calendar

Ambassador Annadiif oo xilka iska casilay

BARTAMAHA – Warbixin lagu daabacay website-ka Howlgalka Amisom ee Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Mohamed Saleh Anadif ninka shaqadad kasii tagaya ee midowga Africa Somalia ugu magacownaa uu shacabka Somalia iyo madaxda dowlada uga mahadcelinayo qaabkii wanaagsanaa oo ay ula soo shaqeeneey waqtigii uu shaqada hayay .

Mr annadif ayaa sheegay “sidaan uga tagayo somalia waxaa ifarxad galinaya go’aankiina ah inaad Somalia nabad iyo xasilooni kadhalisaan,qaasatan waxaan aad ugu faraxsanahay in wadanka geeska Africa dhaca ee Somalia uu kujiro waqtigiisii ugu wanaagsanaa laga soo bilaabo 1991” ayuu yiri Mohamed salah anadif ninka shaqada kasii tagaya.

“Sidaad uwada jeedaan wadamo farabadan oo African ah waxay kasoo kabsanayaan dhibaatada iyo dagalada somaliyana qeyb ayey katahay “markalle sidaa waxaa yiri mr Annadif.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in mohaamed salah annaadif uu xafiiska katagi doono July 2nd, 2014.

Lydia Wanyoto Mutende oo ah kuxigeenka Mohamed annadif ayaa iyadu xilkan sii heyndoonta ilaa wakiil cusub loosoo magacaabayo Somalia .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: