Calendar

Human Rights Watch Oo Eedeen Ujeedisay Kenya

HRWWar bixin ay manta soo saartay hay,ada xaquuqda aadanaha u dooda marka ee Human rights watch ayey ku sheegtay in booliska magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ay dhibaato iyo falal kufsi ah kula dhaqaaqen in aan ka yareen kun qof oo qaxooti Somalia ah intii u dhaxeysay bishi November sanadii 2012 ilaa iyo dhamadkii bishi janwari ee sanadani.

War bixinta HRW ayaa intaasi waxa lagu daray in laga dalbaday saraakisha dowlada wadanka Kenya in ay furan baritaan madax banana oo lagu soo ogaanayo danbiyadasi ay galeen booliska magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya,sidoo kale dalab midkasi lamid ah waxa loo diray hay,ada qm ee arimaha qaxootiga wadankaasi oo la shegay in ilaa iyo hada aysan war kasoo saren dhibaatada somalida wadankaasi loogu geesto.

War bixinta Human Rights Wactch ayaa waxa uu ka koobnaa 68 Page oo cinwan looga dhigay”kuligin waxa tihiin argagexiso”taasi oo ay ku micneeysay danbiyada ay booliska Kenya u geesanayaan qaxootiiga somalida ee wadankasi ku sugan.

Human Rights Watch waxa ay leedahay waxan la kulanay 101-qof oo qaxooti Somalia ah iyo kuwa kale oo asal ahaan kasoo jeeda  wadanka Kenya.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: