Calendar

(Sawiro) Shiikh Xasan Turki, Xasan Dahir iyo Hoggaamiyaal Islaamiyiin ah oo Kulan Muhiim ah Muqdisho ku yeeshay

xasn-dahir-iyo-xasan-turki1Bartamaha/RBC — Shiikh Xasan Turki iyo Hoggaamiyaal katirsan Islaamiyiinta Mucaaradka ah ayaa maanta kulamo xasaasi ah ku yeeshay degmada Afgooye kadib markii ay shalay safar kusoo galeen magaalada Muqdisho.

shir-hogaamiyaal-islaami-ah-xasn-dahir-xasan-turkicumar-imanKulan Muhiim ah ayay Mas’uuliyiinta Kooxaha Islaamiyiinta ku yeesheen Beerta Cabdi Raxmaan jaamac Barre oo kutaal duleedka degmada Afgooye Gobalka Shabeelaha Hoose.

Kulankan oo ahaa marti qaad ay Kooxda Xisbul Islaam usamaysay Shiikh Xasan Turki iyo Saraakiil Al Shabaab ah oo Kismaayo kayimid ayaa looga Gol-lahaa sidii Islaamiyiintu ay mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen Dagaalada socda.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo goobta ka halday ayaa sheegay in ay midaynayaan dhamaan Kooxaha Mujaahidiinta ah ee Somalia ku sugan islamarkaana ay u istaagayaan dhismaha dowlada Islaami ah sida uu hadalka udhigay.

sh-axmad-madoobe-iyo-alshabaabBoqolaal katirsan Xoogaga Islaamiyiinta oo gurmad ahaan uga yimid magaalada Kismaayo ayaa maanta xayiraad kusoo rogay Gaadiidka Dadweynaha ee isaga kala goosho Muqdisho iyo Afgooye sababa laxariira Socdaalka Shiikh Aweys iyo Shiikh Xasan Turki.

Warar Hoose ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Turki loo caleema saari rabo xilka Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam oo awood Ciidan yeeshay kadib markii ay ku biireen Ciidankii Maxaakimta ee dowladda taageersanaa.

RBC/Bartamaha
Muqdisho Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: