read more »">
Calendar

Sawirro: Madaxweyne Xasan sh. oo la kulamay dhigiisa dalka Uganda

[slidepress gallery='2133']

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani iyadoona labada mas’uul ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Uganda ayaa waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Kambaala waxaana mas’uuliyiinta ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kala kulanka ayaa looga hadlay sidii dalka loo keeni lahaa ciidamo dheeraad ah oo ka socdo dowladda Uganda si ay uga qeyb qaataan howlgalada ka socdo dalka maadaama goballo  badan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgarteen in si buuxda la iskala kaashado la dagaalkan maleeshiyada shabaab ee ku biirtay ururka Al-qaacidda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada kambaala ku sugan mudo Sadax Maalin ah halkaas oo uu uga qeyb galayay munaasabadii 50 guuradii ka soo wareegtay xoriyada dalka Uganda, waxuuna kulamo gooni gooni ah la qaatay mas’uuliyiinti ka qeyb gashay munaasabada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.


Suldan A. Farahseed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: