Calendar

Shabaab oo maamul Cusub u dhistay Balad-xaawo.

b.xaawoBartamaha (B/Xaawo):- Maamulka Kooxda Alshabaab Gobolka Gedo ayaa magaacay maamul Cusub kaasi oo badalaya maamulkii hore ee shabaabka u qaabilsanaa Baladxaawo.

Maamulka Shabaab ee Gedo ayaa maanta saxaafada u sheegay in isbadal guud lagu sameeyay Maamulkii u dhisnaa Baladxaawo ka gadaal markii maamulkaasi ay soo celiyeen degmadaasi oo horay dowlada iyo ahlu sunnah ay uga qabsatay shabaabka.

Sheekh Bishaar Cali oo ah hogaanka ugu sareeya shabaab Gedo ayaa maanta wariyayaasha u sheegay in degmada Baladxaawo ay haatan leedahay Maamul cusub islamarkaana ay samayn doonaan isbadal guud oo xagga maamulka ah ka gadaal markii Degmadaasi dhibaata culus laga soo sheegayay dhawaanahan.

Degmada Baladxaawo ayaa waxaa shabaabka ay gacantooda ku soo laabatay muddo todobaadya laga joogo mudadaasi ka dib oo la soo sheegayay in dhibaata culus loo gaystay dhammaan dadkii horay u soo dhaweeyay Maamulkii Dowlada iyo kuwa Ahlu sunnah oo horay u qabsaday Degmadaasi.

Habeenadii ugu danbeeyay ayaa waxaa Degmadaasi Baladxaawo gudaheeda la soo dhigayay maydad dad rayid ah oo shabaabka ay madaxa ka jareen kuwaasi oo badankood la gowracay markii lagala baxay xaafadaha ay ka daganaayeen Degmadaasi Balad-xaawo Ee Gobolka Gedo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: