read more »">
Calendar

Dad dibad bax dhigay oo ku baaqay in la ansixiyo Golaha Wasiirada.

dibad4Bartamaha (Muqdisho):- Banaanbaxayaal maanta dibadbax ka dhigay Degmooyinka ay dowlada maamusho ayaa ku baaqay in la ansixiyo Xukumada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Farmaajo.

Banaanbaxayaasha maanta isugu soo baxay wadooyin ka Muqdisho ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay ku taageerayaan xukumada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Farmaajo iyagoo dalbanayay in si deg deg ah Baarlamanka ay u ansixiyaan Xukumadan Cusub.

Banaanbaxa oo ay gadaal ka riixayeen Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa dadka dibad baxayay ay soo qateen astaamo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xukumada Kooban ee Ra’iisul Wasaare Farmaajo dhisay balse aan la siinin Codka Kalsoonida Baarlamanka KMG ah.

Dibad baxayaasha ayaa waxa ay dalbadeen in taageeradooda ay ugu baaqayeen Baarlamanka iyo dhammaan dadka diidan in la ansixiyo Xukumada waxaana ay muujiyeen in xukumadan ay tahaya middii ugu rajada wanaagsanayd oo la soo dhiso Dalka Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha oo soo gaaray xaafadaha Degmada Xamarweyne iyo Xamar jajab illaa Villa Somalia ayaa waxa ay xildhibaanada ka codsadeen in Codka Kalsoondia ay siiyaan Xukumada tirada yar ee dhawaan la soo dhisay balse muranka uu ka taagan yahay ansixinteeda taasi oo maanta sababtay in banaanbax taageerada shacabka lagu muujinayo ay soo agaasimaan Maamulka Gobolka Banaadir.

Banaanbaxayaasha oo qaarkood saxaafada hadal siinayay ayaa waxa ay codsadeen in si deg deg ah codka Kalsoonida loo siiyo Wasiirada Cusub ee dhawaan la magacaabay oo ay muujiyeen in ay yihiin kuwii ugu kalsoonida wanaagsanaa marka dhanka shacabka iyo aragtidooda loo eego.

Daawo Sawirada:-

bananbax

dibad5

dibad bax2

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: