Shabaab oo weerar ku qaaday saldhigyada Dowlada Ee duleedka Baladweyne

Posted on Dec 26 2010 - 10:48am by News Desk
Tweet
Pin It

shababBartamaha (Baladweyne):- Dagaal xoog badan ayaa saacada ka hor ka dhacay deegaano ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho oo ay isku qabteen Alshabaab iyo Dowlada.

Maleeshiyada shabaab oo gaadiid dagaal wata ayaa saacada ka hor weerar ku qaaday deegaano ku dhow Magaalada Baladweyne  Ee Gobolka Hiiraan oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidanka Dowlada KMG ah iyo kuwa Dooxada Shabeele.

Weerarka oo dhacay saaka ayaa waxaa faahfaahin saxaafada ka siiyay sargaal horjoogayaasha shabaab ah oo shaaca ka qaaday in ay soo laayeen Ciidanka Dowlada oo ay ku galeen deeganka Ceel Gaal iyo Kalabayr oo ay jihooyin kala duwan ka weerareen.

Weerarka oo dhacay saaka salaadii subax ayaa waxaa shabaabka ay sheegeen in ay laayeen ciidan ay ugu tageen Kalabayr iyo qaar ku sugnaa wadada ka baxda Deegaanka Ceel gaal ee dhaca duleedka magaalada baladweyne.

Wax war ah lagama haayo dowlada kmg ah Ciidankeeda la weeraray balse waxaa saan saanta guul sheegadka shabaabka laga dareemayay gudaha baladweyne oo ay shabaabka maleeshiyadii weerarka qaaday ay ku soo laabteen iyagoo wata dhaawac iyo maydad ahaa qasaarihii ka soo gaaray dagaalkii ay galeen saaka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]