Calendar

Radio Shabeele oo ka qeylisiisay Laba Wasaaradood (War-saxaafadeed)

Shabelle-Radio-LogBartamaha (Muqdisho):- Laba Wasaaradood oo ka mida Dowlada KMG ah ayaa ka qeyliyay War ka baxay Idaacada Shabeele Muqdisho oo ay ka sioo saareen war-saxaafadeed si gaar ah uga hadlayay warka Idaacadaasi ka baxay.

Wasaaradaha Maaliyada iyo Dakadaha Dowlada KMG ah ayaa mar qura ka wada dhawaaqay hadal ka baxay Idaacada Shabeele oo si aad ah u dhaawacay siyaasada shaqada labadaasi wasaaradood oo laga taabtay dhanka shaqada ka socota dakada Magaalada Muqdisho.

Labada Wasaarad ayaa waxa ay wada beeniyeen warka Idaacadaasi Shabeele ka baxay oo salka ku hayay “Musuqmaasuq dhanka Maaliyada ah oo ka socanaya dakada Muqdisho” Warkaasi oo wada dhaawacay Labadaasi Wasaaradood jawaabna ay ka soo saareen.

War-saxaafadeed ka soo wada baxay Labada Wasaarad ee ka caraysiiyay warbixinta ay baahisay Idaacada Shabeele ayaa loogu jawaabay Idaacadaasi oo kaliya iyadoo la beeniyay in uu musuqmaasuq ka jiro gudaha Dakada Muqdisho.

War-saxaafadeedka Wasaaradaha caraysan waxa uu u qornaa Sidan:-

War-saxaafadeed:-

Muqdisho – Soomaaliya, December 25, 2010

Wasaaradaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda FDK ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Radiyaha Shabeelle mid xaqiiqada ka fog, xad gudubna ku ah masuuliyiinta DFKM iyaga oo Wasaaradahaasi war-saxaafadeed ay caawa wada jir u soo saareen ku cadeeyey in dekedda Muqdishu uu ka jiro maamul hufan, oo kordhiyey dakhliga dekedda isla markaana ka ceebla’ eedeynta aan loo meel deyin ee Radiyaha Shabelle.

Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ee DFKM, Axmed Cabdiraxmaan Cabaade, ayaa hadal uu saxaafadda caawa siiyey waxa u  ku yiri,  “Waan u mahadnaqaynaa Maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdishu waayo muddadii gaabnayd ee uu dekedda maamulayey waxa uu saxay khaladaad jirey isla markaana, waxaa bilahaan dekedda ka soo xarooday dhaqaale aan ka soo laga qaban tobankii sano oo la soo dhaafay — taasna waxaa sabab u ah maamul wanaagga dekedda laga hir geliyey”

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamed Xasan Adan, ahna Kusimaha Wasiirka Maaliyadda ayaa isna dhanka kale, ka war-bixiyey qaabka loo uruuriyo canshuuraha ka soo xarooda dekedda, isaga oo yiri, “Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagtu xafiis ayay ku leedahay dekedda Muqdisho, xafiiskaas ayaana qaada lacagta canshuuraha. Dekhligaasi Waxa uu ku dhacaa khasnad bangiga dhexe oo isla dekedda ku taala, kaddibna waxaa lacagtaas ay laantu u soo gudbisaa xarunta bangiga dhexe. Maamulka dekeddu lacagtu gacantooda kuma soo dhacdo mana arkaan, oo waxay lacagtu dhexmartaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe.”

Dhanka kale, War Saxaafadeed ka soo baxay maamulka dekedda ayaa lagu cadeeyey in dekhliga dekedda ee ku dhaca Bangiga Dhexe uu bilihii la soo dhaafay intii hore ka kordhay in ka badan 100% taasina ay tilmaan u tahay maamul wanaagga hogaanka cusub ee hayaddan muhiimka ah.

Waxaa kaloo xusid mudan in maamulka dekedda Muqdishu  uu ka codsaday Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha sharciga in ay baaritaan ku sameeyaan talaabo sharci ahna ka qaadaan xad-gudubyada Shabelle ee been abuurka ah ee lagu dhaawacayo sumcadda Muasasaadka muhiimka ah iyo Masuuliyiinta Qaranka.

Wasaaradaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka & Wasaaradda Maaliyadda

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: