Calendar

Somali Public Radio iyo Saalax Doonyaale oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaaso.

Soodhoweyn (9)Bosaso: Waxaa maanta gegida diyaaradaha ee Bandar Qaasim kasoo degey Saalax Nuur Saalax oo si diiran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyadoo ay shacab badan oo reer Boosaaso ah u taagnaayeen irida ternimalka diyaaradaha mudo lagu qiyaaso 5  saacadood kadib markii ay diyaaradu imanweydey waqtigii loogu tala galay.

Dadweynaha soo dhaweynayey ayaa waxaa ka mid ahaa qaar kamid ah masuuliyiinta Puntland,  siyaasiyiin, isimo, ururada haweenka, iyo ururada dhalinyarada ee Boosaaso. Waxaa isla goobtaasi joogey saxaafada gobolka bari, gaar ahaan telefisionka weyn ee ETN iyo idaacadaha gobolka.

Saalax ayaa markii uu dibada u soo baxay ayaa dadweynihii si diiran ugu soo dhaweeyeen Boosaaso, ayaa si ixtiraam iyo islaweyni la’aan ay ku dheehantahay dadkii u dhex galay, ula sheekeystey, una salaamay.

Saalax ayaa u mahadceliyey dadkii ku luglahaaa soo dhaweynta, iyo dhamaan dadkii kasoo qaybgalay, kadibna sheegay in uu dalka u yimid sidii looga hirgalinlahaa idaacad gobolka Bari iyo gobolka Sanaag. Gaar ahaan gobolka Sanaag oo ahIMAG0677_1 haatan  ah gobol aysan idaacadi ka jirin.

Ugu dambeyntii ayaa saxaafada waxay ka codsatey in sidoo kale ay wareysi siiyaan, kadibna wuxuu u guud marey sababaha dhalisey in ay idaacad keenaan ay tahay baahida weyn ee loo qabo saxaafada gobolada Puntland. Saalax Doonyaale ayaa sidoo kale sheegay in ay hormarka dalka ka qayb qaadan doonaan, aysana ku ekaan doonin dhanka saxaafada.

Saalax iyo qaar ka mid ah suxufiyiinta cusub ee Somali Public Radio ayaa waxaa loo galbiyey goobtii ay ku dagi lahaayeen magaalada Boosaaso, halkaasoo uu ku qabtey shir jaraa’id kale, kadib markii ay saxaafadu ka codsatey.

IMAG0695IMAG0690IMAG0709 (1)IMAG0726IMAG0765Soodhoweyn (9)Soodhoweyn (5)

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: