Super Model Muslim ah oo isku bedeshay inay samayso Xijaabyada (VIDEO)

Posted on Nov 30 2010 - 8:13pm by News Desk
Tweet
Pin It

atiya khanBartamaha –- Haweenay Muslimad ahayd oo ku caan baxday Xayaysiinta dharka Fashionka ah ayaa hada isku badashay dadka naqshadeeya Xijaabyada.

Gabadhan oo ahayd Haweenaydii ugu horeysay oo reer Pakistaan ah islamarkaana Fanisa dharka iyadoo Muuqaalkeeda qurxoon kaashan jirtay ayaa arintaasi hada ka tanaasushay.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Atiya Khan ayaa hada u istaagtay in ay Xijaabyada naqashadyso iyadoo Fashionkii jirkeeda lagu xayaysiin jiray hada ku badalatay samaynta Xijaabka.

Mihnadan shaqo oo ay hada abuuratay Atiya Khan ayaa noqonaysa mid badashay dhammaan dhaqamo ay iyada lahayd waxaana hada ay sii noqonaysaa qof isbadal xoogan sii samaynaysa xilli hore ay u noqotay Haweenaydii Pakistan ugu horeysay ee Fashion ahaan dharka u xayaysiisa.

DAAWO VIDEO:-