Calendar

War Deg-Deg ah:-Xiisad dagaal oo ka taagan KM.4 IYO Isgoyska Dabka Muqdisho.

breaking-news bartamahaBartamaha(Muqdisho):-Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa Wadada Dabka iyo Isgoyska KM.4 Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo laga maqlayo rasaas teel-teel ah.

Wararka naga soo gaaraya Wadada KM.4 Ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad ay ka taagantahay Isgoyskaasi oo laga maqlayo dhawaqa rasaasta iyo madaafiic mararka qaar la maqlayo.

Isgoyska Dabka Ee Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaan in Xaalada  cakiran laga dareemayo ka dib markii Ciidamada Dowlada ay xereen Wadadaasi Dabka gawaaridana ay ku xayiranyihiin Isgoyskaasi.

Dhawaqa rasaas aan sidaa u xooganayn ayaa laga maqlayaa Wadada Terbuunka Ee Muqdisho halkaasi oo Amisom iyo Islaamiyiinta ay isku horjoogaan.

Wixii faah-faahin dheeri ah kala soco www.Bartamaha.Com

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: