Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtey Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtey magalada Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha waxa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport kusoo dhaweyay gudoomiyaha baarlamaanka, Ra’isal  wasaaraha iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada.

Shir jaraa’id uu qabtey markii uu garoonka kasoo dagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay in safarkii ay wafdigiisa ku tagay Turkey-ga ay aheed mid gul kusoo dhamaaday.

Xasan Sheekh waxa uu xusay in labada dal ay galeen heshisyo dhowr ah oo kamid  tahay military-ga iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in Turkey-ga aay diyaar u yihiin iney caawiyaan Soomaaliya.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka hadlay dhibaatadii ka dhacday xaafadda Islii ee magalada Nairobi ayuu tacsi u direy shacabka iyo dowladda Kenya, qasaaarihii ka dhashey qaraxyadii lala eegtey masjiddka Al Hidaaya ee Islii.

Xasan Sheekh waxa uu ku eedeyay iney ka danbeyaan qaraxyada ka dhacayo wadanka Kenya kooxo uu ku tilmaamay iney xiriir la leehyihiin Al Qaacida, kuwaas oo kazoo horjeeda taageradda ay Kenya ka geysanayso sidii loo nabadgalin lahaa Soomaaliya.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: