Wargelin (11/21/09) Wiilal dad weeraraya, haweenay Madaxweyne?, Nicholas Cage, SOS, Dharbaaxo & Siyaado

Posted on Nov 21 2009 - 7:27pm by News Desk
Tweet
Pin It

WARGELIN 6 BARTAMAHAWaa mar kale iyo Barnaamijkii la wada sugi jiray todobaad walba iyo Wargelin. Todobaadkan waxaanu kusoo qaadanaynaa qeybo kala duwan oo idin xiiso galin doona, haddaba yaanan hadal idinku daalinine aan idiin faahfaahiyo.

Waxaan idiin haynaa Video ay dhallinyaro Soomaali ah ay iska duubeen iyagoo dad ku weeraraya dariiqyada magaalada St Paul iyo Minneapolis ee Maraykanka, taasoo ay dad fara badani ka caroodeen, waxaa kaloo idiin haynaa waraysi aan la yeelanay ninkii ugu horeeyay ee isu soo sharaxa gudoomiyaha xaafada 6aad ee magaalada Minneapolis, dhanka kale waxaa todobaadkan soo booqday burcad badeeda Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga Mombasa, Kenya qof caan ah.
Dhanka kale waxaan weyniinay Kobra Keyse haweenay Soomaaliyeed madaxweyne ma noqon kartaa?, barnaamijkeena maanta kama marna waxyaabaha idinka yaabin doona ha noqoto qeybta “Maxay ka wadeen markay samaynayeen!!!” iyo waliba fiidiyoowga todobaadka oo isaguna xiiso leh, intaas iyo in kaleba waxay ku jiraan barnaamijka maanta oo ah todobaadkii 6aad.