Calendar

Wasaarada Amiga: “waxaan baaq u jeedineynaa Masuuliyiinta Dowladda….”

WasiirkaWasaarada amniga Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa masuuliyiinta Dowladda ku jira waxa ay ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan ammaankooda.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada amniga Soomaaliya Ibraahin Isaaaq Yaroow, ayaa usheegay Warbaahinta in masuuliyiinta Dowladda ku jira iyo dadka waxgalka u ah Bulshada inay ammaankooda ka taxadaraan.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay bartilmaameedsanayaan dadka Dowladda kujira, sidaasi awgeedna loo baahan yahay aragti dheeri ah oo dhanka ammaanka ku saleysan.
Dhanka kale Ibraahin Isaaq Yaroow, ayaa ku eedeyay Shabaab inaysan dooneyn horumarka Shacabka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri ay laynayaan dadka shacabka ah.
Labadii maalin ee aan soo dhaafnay Muqdisho waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay labo Xildhibaan oo Dowladda ku jira, halka midkalena iminka uu yahay dhaawac.
Ammaanka Muqdisho oo ay Dowladda gacanta ku hayso, waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo ay masuuliyadiisa sheegtaan Ururka Al-Shabaab.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: