Calendar

Wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya oo joogta Kenya (Sawiro)

Wasiiradda arimaha dibadda dalka Soomaaliya Fowzia Yuusuf Xaaji ayaa booqasho ku tagtey wadanka Kenya.

Wasiiradda ayaa la kulantey madaxda wadanka Kenya oo kala hadlaysay xiriirka labada wadanka, xaaladaha amaanka gobolka iyo tan Soomaaliya iyo ciidamada Kenya ee jooga koofurta Soomaaliya.

Fowzia Yuusuf ayaa la kulantey dhigeeda wadanka Kenya Ra’isal wasaaraha wadanka Kenya Raila Odinga iyo dhigeeda Sum Ongeri oo arimo badan ka wada hadleen.

Markii uu kulanka dhamaaday ayaa saxafada waxa ay u sheegtey wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya iney arimo badan xasaasi ah ay ka wada hadleen isla markaane ay isla meel dhigeen muhiimadda ay leehdahay adkeenta xiriirka labada dal.

Soomaaliya ayaa hada waxa ay leehdahay dowlad rasmi ah kadib 21-sano oo dalka fowdo iyo dowlado KMG ah ay ka jireen, waxana ay iminka ay dowlada isku dayaysaa sidii ay u adkeen laheed xiriirka wadamada dariska ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku imaan doona wadanka Kenya oo kaga qeyb galayo shir ay madaxda gobolka ay yeelanayaan, waxana la filayaa inuu la kulmo madaxda sarsare ee dalka Kenya.

Kulanka waxa ku wehliyey wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Fowzia Yuusuf waxa ku wehliyey kulanka safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur Amerika iyo ku-simaha qunsuliyadda Guud Cali Bakadi.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: