Calendar

Wafdi tagay Kismaayo

Wafdi ka socday urur goboleedka IGAD iyo ciidamada AMISOM ayaa booqasho ku tagay magalada Kismaayo.

Wafdiga waxa ay kulamo la qaateen maamulka KMG ee ka jira magalada Kismaayo iyo saraakiisha ciidmada AMISOM eek a socda wadanka Kenya ee jooga magalada oo ka wada hadleen xaaladdaha amaanka ee magalada.

Intii ay wafdiga joogeen ayaa isgaarsiinta laga saaray hawada iyadoona wadooyinka waawayn la soo buuxiyey ciidamo faro badan taas oo looga gon lahaa in amaanka la adkeeyo.

Wararka ay helayso www.bartamaha.com ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayay shirar la doonayo in lagu qabto magalada Kismaayo oo maamul loogu dhisayo goboladda Jubooyinka iyo Gado taas oo wax ka wadaan urur goboleedka IGAD.

Dad badan oo kazoo jeeda deeganada Jubooyinka iyo Gado ayaa tagayay Kismaayo tan iyo markii laga qabsaday kooxda AL Shabaab oo muddo dheer gacanta ku haysay.

Amaanka Kismaayo ayaa wali aheen mid adag iyadoona ay jiraan weeraro ka dhacayo halkaasi oo lala beegsanayo shaqsiyaadka saameynta leh iyo xarumaha ay dagan yihiin maamulka KMG iyo ciidamada huwanta ee gacanta kuhaya magalada.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: