Calendar

Puntland oo u digtey Somaliland

Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland oo saxafada kula hadlay Garowe ayaa sheegay ineysan u dul qaadanayn dhul balaarsiga Somaliland.

Maxamud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Somaliland ciidamadooda ay soo galeen dhul cusub oo uu sheegay iney hoos imaato maamulka Puntland isagoona ku tilmaamay gardaro cad oo “gardaro Qaawan” oo lala soo raadsanayo.

Wasiirka ayaa xusay in Somaliland ay olalaheeda doorashada ay kusoo weecisay qeybo kamid ah goboladda Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Waxa uu ku baaqay wasiirka iney si deg deg ah ay Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo meelaha cusub ay soo gashey, isagoona sheegay ineysan doonayn inuu dhiig cusub daato balse uu sheegay iney Puntland xaq u leehdhay iney dhulkeeda difaacato.

Sool, Sanaag, iyo Ceyn ayaa in muddo ah waxa ay aheed meel ay isku haysteen labada maamul oo sheeganayo iney midba mida kale ay ka tirsan tahay deeganadooda.

Dadka kasoo jeeda goboladaas ayaa sidoo kale sameystay maamul ay ugu magic dareen Khaatumo taas oo sheegeyn iney labada dhinacba ay ka madax banana yihiin.

Somaliland ayaa wali ka hadlin eedaymaha kasoo yeeray Puntland, iyadoona xilligan ay jirto dorasho ka dhacayso Somaliland.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: