Published On: Mon, Dec 3rd, 2012

Wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha booliska oo wadada loo galay

Share This
Tags

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka uuna la socday taliyaha booliska Soomaaliya ayaa loo galay wadada xilli ay kazoo baxayeen magalada Marka ee gobolka Shabeladda Hoose.

Wasirka arimaha gudaha Cabdi Kariim Xuseen Guuleed iyo taliyaha booliska Shariif Sheekhuna Maye ayaa waxa ay kusoo jeedeen magalada Muqdisho markii ay xalayto seexdeen magalada Marka oo shalayto ay tagen si ay usoo indha-indheeyaan xaaladda amaanka.

Weerarka ayaa ahaa kuwo is xig-xigey oo ka bilowday markii ay magalada ay kazoo baxeen oo jidka loo dhigay miino taas oo la qaraxday gaari ay saarnaaayeen askarta gaarka ee taliyaha booliska, waxana u geystey qasaaro naf iyo maal.

Waxa xigey weerar fool ka fool ahaa oo dhacay markii ay daqiiqado ay soo dhaafeen meesha qaraxa lagula beegsaday wadada halkaas oo dagaal xoogan oo hubka noociisa kala duwan la isku adeegsaday.

Wasiirka arimaha gudaha iyo wafdiga uu hogaaminayay uu ku jirey taliyaha booliska ayaa wax dhibaato aysen gaarin wallow gaariga booliska ee miinadda la qaraxday la xqiijiey in 10-qofood ay dhaawacantey, mana jirto wax dhimasho oo lasoo tabiyey.

Shalayto ayaa markii wafdigan uu usoo socday maggalada Marka waxa loo galay wadada meel kudhaw deegaanka Shalanbood.

Gobolka Shabelladda Hoose oo dowlada Soomaaliya ay inta badan gacanta ku hayaan ayaa waxa si joogta ah wadada u galo xoogag ka tirsan kooxda AL Shabaab, taas oo dowlada ay wali tilaaabo cad ka qaadi la’dahay.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Mohamed Mascuud is the Editor in Chief of Bartamaha.com and a Contributor to Soomaalo.com. Mascuud is a Young and talented Somali Journalist.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";