Calendar

Luis Suarez Oo Qaniinay Ivanovic, iyo Ganaax kudhacay:

Luis Suarez ayaa waxa uu ganaax lacageed kala kulmay Liverpool qaniinyadii uu qaniinay daafaca Chelsea Branislav Ivanovic, laakiin kooxda ayaa qiratay inuusan ka tagi doonin Anfield.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska FA-ga ayaa baaraya dhacdadaan la yaabka laheyd ee dhacday qeybtii labaad ee ciyaartii 2-2 ku dhamaatay ee labada kooxood ku dhexmartay Anfield shalayto, ka hor inta uusan dhalin goolka barbaraha xilligii dhimashada ciyaarta.

Suarez oo lagu ganaaxay 7 kulan markii uu qaniinay ciyaaryahan Bakkal xilligii uu joogay Ajax, ayaa ilkaha suray garabka Ivanovic ka dib markii labada ciyaaryahan ay isku yimaadeen.

Waxaana ciyaarta ka dib uu soo saaray raaligelin dadweyne, iyadoo kooxda Liverpool ay sheegtay in habdhaqankiisa aan la aqbali karin islamarkana aysan faa’ido u aheyn ciyaaryahan kasta oo xiran maaliyada Liverpool.

Haatan xiddiga reer Uruguay ayaa lagu ganaaxay lacag aan la shaacinin inta ay gaareyso, waxaana uu weydiistay inuu lacagtiisa siiyo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay musiibadii Hillsborough taasoo ay ku dhinteen 96 taageerayaal Liverpool ah sannadii 1989kii.

Suarez ayaa ku soo qoray bogiisa Twitter: “Habdhaqankeyga aan la aqbali karin ee shalayto ka dib kooxda waxa ay i ganaaxday maanta, waxaana weydiistay inaan lacagta siiyo Hillsborough Family Support Group, madaama aan dhibaato u keenay taageerayaasha Liverpool iyo Ivanovic.”

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: