Calendar

Xafiiska Universal TV Muqdisho oo qalqal soo wajahay iyo Jawaab u gaar ah oo ay soo saareen(War-Saxaafadeed).

universaltv1Bartamaha(Muqdisho):-Xafiiska Universal Muqdisho ayaa walaac xoogan muujiyay iyadoo ay soo saareen war-Saxaafadeed u muuqday mid ay ku raali galinayaan Alshabaab.

War-Saxaafadeed ay soo saareen Maamulka TV-ga Soomaaliyeen Ee UNIVERSAL  Xafiiskiisa Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in aanay marnaba ka raali ahayn waxyaabaha shareecada wax u dhimnaya Shareecada Islaamka.

Qoraalka oo u muuqanayay mid baqdin ay ka muuqatay ayaa waxaa maamulka Muqdisho ee TV-ga Universal ay daaha uga qaadeen in ay qalad tahay baahinta warkaasi oo ayu xuseen in uu si qaldan ku baxay sida qoraalka lagu sheegay.

War-Saxaafadeedka oo maamulka Telfishinka qeybtiisa Muqdisho ka soo baxay ayaa waxaa lagu xusay in Xafiiska Muqdisho la xeray si KMG ah oo shaqada ayu joojiyeen shaqaalaha Telfishinka.

Maamulka Xafiiska ayaa waxa ay sheegeen in aanay raali ka ahayn waxyaabo shareecada Islaamka wax u dhimaya sida ay qoraalka ku sheegeen iyagoo sheegay in jawaab cad ay ka soo saarayaan arintaasi.

Maanta ayaa shabaab waxa ay gaala ku xukmiyeen TV-ga Universal oo ay leeyihiin dad isku tagay oo Soomaaliyeed iyadoo ay shabaabka u cuskadeen xukunkaasi markii xalay TV-ga uu ka baxay war ka hadlayay K/Afrika oo Soomaalida dagan ay walaac ka muujiyeen qoraalo lagu daabacay Wargaysyada dalkaasi oo Nabigeena Muxamed (NNKH) wax looga sheegayay.

War-Saxaafadeed:-UNIVERSAL TV MUQDISHO.

Tar;-30/05/10

Maamulka Taleefishinka Universal xafiiskiisa Muqdisho waxa uu ka soo saaray war saxaafadeed ku aadan war ka baxay 29/05/10 taleefishinka Univesal ahaana war uu soo direy weriye uga soo warama taleefishinka dalka Koonfur Afrika warkaana laga dhex arkay kartoon ay wargeysyada dalka K/afrika soo daabaceen kaasoo ahaa mid aflagaado ku ah Nabi Maxamed(NNKH).

Guud ahaan maamulka iyo  shaqaalaha taleefishinka Universal xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ka xun yahay warkaas sida qaldan u baxay waxaana aan u sheegaynaa dhammaan muslimiinta caalamka ku nool   in aanan raali ka ahayn warbixintaas qaldanayd,

Haddaba Maanta oo ah 30/05/10 guud ahaan qeybaha kala duwan ee Universal tv Muqdisho waxa ay go’aan ku gaareen shaqo joojin illaa amar dambe.

Maamulka iyo shaqaalaha taleefishinka waxa uu  mar labaad ku cadeyneynaa warsaxaafadeedkan inuusan raalli ka ahayn wixii wax u dhimaya diinta Islaamka.

Wabillaahi Towfiiq.

Maamulka  Sare ee Universal Tv  Muqdisho,

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: