Calendar

Ku simaha safiirka dawladda Qadar ee Soomaaliya oo maanta Garoowe soo gaaray (Sawirro)

Xafiiska Wararka Bartamaha

Hassan Hamze qatar - www.Bartamaha.com

Garoowe (BARTAMAHA) Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland si wanaagsan loogu soo dhaweeyey ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaliya Xassan Xamze iyo wafti uu hogaaminayey oo booqasho rasmi ah ku yimi Puntland.

Hassan Hamze qatar 4 - www.Bartamaha.com

Soo dhaweynta wafdiga ka socday Dawladda Qadar waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe kaga qeyb qaatay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland ,Waxgarad ,Haween iyo dhalinyaro ku labisanaa Calamada Puntland,Soomaliya iyo kan Dawladda Qadar iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Hassan Hamze qatar 2 - www.Bartamaha.com

Intaas ka dib ayaa wafdiga waxaa loo soo gudbiyey Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxana halkaasi si kal iyo lab ah ugu soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: