Calendar

Ajaanib lagu dilay Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

al shabaab5Bartamaha(Muqdisho):-Rag Ajaanib ah oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa lagu dilay dagaalkii Maalin ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warar Xaqiiqda u dhow oo soo baxaya ayaa sheegaya in Rag sare oo Ajaanib ah laga dilay Alshabaab markii dagaal xoogan uu ka dhacay Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho.

Wargayska Sona Times ee Dalka Al-jeria  ayaa shaaca ka qaaday in la dilay nin Caan ah oo Shabaabka ka dhinac dagaalamayay kaasi oo qaabilsanaan jiray dhanka Qaraxyada iyo Miinooyinka samayntooda.

Ninka Ajnabiga ah ee laga dilay Alshabaab ayaa lagu magacaabi jiray Abuu Za’id Muxsin oo shabaabka u yaqaanaan Ibnu Muxsin waxaana rasaas ay ku dhacday isagoo la dagalamyay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom.

Ninkan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeday Al-Jeria waxaana uu ku dhintay dagaalkii Khamiistii ka dhacay Magaalada Muqdisho markii dhaawac uu madaxa ka gaaray ka dibna uu u dhintay dhaawacaasi.

Marka Wakaaladaasi laga soot ago ila wareedyo kale oo lagu kalsoonyahay oo laga helayo Isbitaalada Shabaabka ayaa sheegaya in Saddex nin oo kale oo mid Cadaan Yusub ka soo jeeday uu ku jiro kuwaasi oo ku dhintay dagaalkii ka dhacay Muqdisho.

Wax war ah Shabaabka kama soo saarin raggaasi Ajaanibta ah ee dhintay waxaana horay ay u qirsanaayeen in ay garab ka helaan Al-Qaacida oo aanay u aqoonin Ajaanib.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: