Calendar

Nin Yaxaas ku dhaawacay Gudaha Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan

DSC02111Bartamaha(B/Weyne):-Nin ka mida Dadka ku haray hareeraha Wabiga Shabeele ee mara gudaha Baladweyne oo dhawaan fatahaad ku sameeyay Magaaladaasi.

Waxaa Xalay Yaxaas uu qaaday nin daganaa hareeraha Wabiga Shabeele Ee Magaalada Baladweyne halkaasi oo dhawanahan Wabiga uu ka sameyay fatahaadii ugu badnayn.

Jiinka wabiga Shabeele ayaa waxaa isaga barakacay dadkii daganaa oo ka baqdin qabay saamaynta balaaran uu reebayo fatahada wabiga Shabeele uu sameeynayay dhawaanahan.

Xalay waxaa Jiinka wabiga uu yaxaas ka qaaday nin daganaa Xaafad ka mida Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan wallow markii danbe Yaxaaska lag dhigay ninka uu qaaday.

Ninka Yaxaaska uu la gali rabay Biyaha ayaa waxaa badbaadiyay nin Baxaar ahaa oo daganaa meel aan ka dheereen goobta Yaxaaska uu ku helay ninka kaasi oo ka badbaadiyay Yaxaaska ninka uu qaatay.

Ninka waxaa gaaray dhaawac culus oo ahaa ilkaha Yaxaaska wabiga ka soo baxay oo ku dhacay gacantiisa midig oo halis gashay taasi oo uu Yaxaaska ka goysan tagay sida dadka Baladweyne ay sheegeen.

Dhawaanahan dadka waa ay ka dheeraanayeen xaafadaha Baladweyne ee ku dhow Wabiga iyagoo ka baqanayay in Yaxaaska uu qaado maadaama mararka Wabiga Fataho ay dhibaatadaasi timaado.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: