Calendar

Al Shabaab oo soo bandhigtay Muuqaalka Ninkii isku miidaamiyay Wasiirkii Amniga Qaranka (Daawo Sawirada)

derow2Kooxda lagu magacaabo Xarakada Mujaahidinta Shabaab ayaa markii ugu horaysay soo bandhigay muuqaalka Ninkii dhawaan isku qarxiyay Magaalada Beledweyne gobalka Hiiraan halkaas oo lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka.

Al Shabaab oo Isticmaalaysa Bogaga Internet-ka ay ka Isticmaalaan Kooxaha Islaamiyiinta ah ayaa faah faahin ka bixisay weerarkii qorshaysnaa ee maalintii khamiista ka dhacay Hotelka Al Madiina magaalada Beledweyne.

Bayaan kasoo baxay Al Shabaab oo ku qoraa Af Carabi ayaa lagu faah faahiyay khasaarihii ka dhashay werarkaas iyo hadafka muhiimka ah oo ay Al Shabaab ka lahayd dilka Cumar Xaashi Adan.
Al Shabaab waxay bayaankeeda ku sheegtay in ay fashilisay wax ay ugu yeertay duulaan qorshaysan oo uu abaabulayay Wasiirkii hore ee Amniga Cumar Xaashi Adan.

derow1

Ninkii isku qarxiyay Hotelka Madiina ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Deerow Shiikh Aadan oo (Alzubayr” ku magac dheeraa, islamarkaana kasoo jeeday beesha Cumar Xaashi ee Hiiraan degto.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Al Shabaab ay diyaarisay dhalinyara badan oo isqarxin ah islamarkaana ay weerari doonaa saraakiisha dowladda.

Waa Markii ugu horaysay oo fal isqarxin ah uu ka dhaco Gobalada Dhexe ee Dalka Somalia xilli ay cirka iskusii shareerayaan colaadaha u dhexeeya kooxaha Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: