Calendar

Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dakadaha oo beeshiisa ugu baaqay in ay Alshabaab kula dagaalamaan Gobolada Bay iyo Bakool.

Bartamaha (Muqdisho):- Maxamad ibraahim Xaabsade Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dakadaha oo manta saxaafada kula hadlayay Muqdisho ayaa waxa uu ku baaqay in laga saaro kooxda Alshabaab dhammaan deegaanada ay ka haystaan beeshiisa ee gobolka Bay iyo Bakool.

 

Maxamad ibraahim Xaabsade ayaa dhammaan maleshiyaadka deegaanadaasi ugu baaqay in ay bilaabaan dagaalka looga soo hor’jeedo kooxda alshabaab kuwaasi oo uu sheegay in ay wadaan abaabul ay dhalinyarada dagaalka ku qasbayaan.

Wasiirka ayaa ku hanjabay in ay dhammaan deegaanadaasi ka xuraynayaan kooxda Alshabaab oo uu ku sheegay kuwa aan dalka u dhalan oo ajaanib ah maadaama dalka ay keeneen rag jihad doon ah.

Hadalan ka soo baxay wasiirkaasi ka tirsan dowlada Fd soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dhammaan gobolada dalka laga dareemayo dhiila colaadeed iyadoo uu hadalkaasi u muuqay in ay jirto qorshe lagu doonayo in beelaha soomaalida ah lagu abaabulo in ay la dagaalamaan kooxda alshabaab.

Xafiiska Warar Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

MUqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: