Calendar

Alshabaab oo galabta soo bandhigtay Gawaari dagaal ay maanta kula wareegeen dagaalkii manta ka dhacay deegaanka Gal-galato duleedka Muqdisho (Daawo Sawirada)

hub2

Bartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa galinkii danbe ee maanta soo badhigtay Maydad iyo Gawaari dagaal oo ay ka carareen Ciidamada Dowlada Fd soomaaliya oo ay saaka kooxdaasi weerarka ku qaadeen xilli ay hurdatyeen.

Gawaaridan ay galabta soo bandhigeen Kooxda Alshabaab ayaa ahaa ilaa 3-gaari oo nuuca qoryaha ku xeran ay yihiin kuwaasi oo ay saaka isaga carareen Ciidamada Dowlada soomaaliya ka dib weerarka gaadmada ah ee lagu soo qaaday.

Deegaanka Gal-Galto oo ahayd goobta saaka ay weerareen Kooxda Alshabaab ayaa lagu arkayay Maydadka Ciidamada Dowlada oo 10—kor u dhaafayay kuwaasi oo inta badan rasaas ay madaxa iyo qeybaha jirkooda ka muuqatay.

Dhammaan gawaarida dagaalka ee maanta ay la wareegeen Ciidamada Alshabaab ayaanan lahay wax astaan ah oo lagu aqoonsanayo in Ciidamada Dowlada ay lahaayeen balse waxaa halkaasi lagi arkayay raadadka dagaalka manta dhacay

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

hub3
hub1

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: