Calendar

Alshabaab oo iska dheeraysay masuuliyada qaraxii shalay dhacay kuna Eedeysay Masuuliyiin Dowlada ka tirsan.

calBartamaha (Muqdisho) Xarakada Alshabaab ayaa iska fogaysay masuuliyada qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo dusha uga tuurtay masuuliyiin Dowlada ka tirsan.

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Kooxda Shabaab oo Saxaafada la soo xiriiray ayaa sheegay in qaraxa shalay dhacay ay ka danbeeyeen Madax Dowlada ka tirsan.

Sheekh Cali ayaa sheegay in Alshabaab ay qaraxaasi ka maqashay Idaacadaha oo kaliya balse aanay ka danbaynin iyaga qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa ugu danbayntii sheegay in ay qaraxa ka danbeeyeen Masuuliyiin ilaashanaya in laga qaado Kursiga ay Dowlada u hayaan sida kuwa Ciidamada oo shalay banaanbax uu dhacayay xiliga qaraxa dhacay.

Afhayeenka ayaa ku adkaystay in Alshabaab aanay bulshada xasuuq u geysan balse ay qanaaga ka shaqeeyaan.

Hadalka Koxda Shabaab ayaa imaanaya xilli dhammaan dadka ka hadlay qaraxa ay ku Eedeeyeen Masuuliyada qaraxaasi in ay lahaayeen Kooxdaasi oo inta badan looga bartay weerarada Dowlada iyo Amisom.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: