Calendar

Ganacsatada iyo Maamulka islaamiga ah ee Kismaayo oo ka wadahadlay arimo la xiriira Qaadashada Lacagaha Doolarka ah.

sarif

Bartamaha(Kismayo):- Ganacsatada magaalada kismaayo iyo Maamulka islaamiga ah ee magaalada kismaayo ayaa ka wada hadlay dhibaatooyin bilihii lasoo dhaafay ka taagnaa qaadashada Lacagta Doolarka oo u dhexeeyay shirkadaha  iyo Sarifleyaasha Magaalada Kismaayo

Shir ay galinkii danbe ee shalay ay isugu yimaadeen masuuliyiinta maamulka iyo ganacsatada magaalada kismaayo sida Maamuleyaasha Shirkadaha Xawaaladaha, Bakhaarleyda iyo Sarifleyaasha  ayaa waxaa looga wadahadlay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyin ka taagnaa lacagaha doolarka oo kuwa duuga ah iyo kuwa garafada yar leh ay diideen in ay qaataan sarifle yaasha magaalada kismaayo.

Afhayeenka maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka sheikh Xasan Yacquub cali, ayaa sheegay in ay ganacsatada kawada hadleen islamarkaasina isku afgarteen sidii loo socodsiin lahaa lacagaha duuga ah ee ay ganacsatada inta badan diidaan, isagoona sheegay in cidii diida lacagahaasi ay ciidamada Amaanka tallaabo ka qaadi doonaan islamarkaasina ay soo xiri doonaan.

Dhanka kale gudoomiyaha Ganacsatada Magaalada Kismaayo Bashiir Axmed Faarax ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan go’aamada ay isla qaateen Maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka isagoo sheegay in ay dhaqangelin doonaan guud ahaan wixii laga wada hadlay, waxaana uu sheegay in ay socodsiin doonaan Lacagaha uu maamulku ku amray in ay qaataan.

Heshiiskan ay maanta gaareen ganacsatada magaalada kismaayo iyo Maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay muran u dhexeeya sarifleyaasha lacagaha qalaad iyo Ganacsatada kale eek u dhaqan magaalada kismaayo kaa oo la xiriiray qaadashada lacagaha doolarka ah ee garafada leh ama duuga ah.

 

Warar Xaqiiq ah Kala Soco www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: