Calendar

Amiir Axmed Godane iyo Xasan Daahir oo ku heshiiyay mideynta Shabaab iyo Xizbul Islaam (Sawiro iyo Faah-faahin)

DSC03802Bartamaha (Muqdisho):- Warar Xaqiiqda ku salaysan oo soo gaaray www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in Alshabaab iyo Xizbul Islaam ay heshiiyeen iskuna biireen.

Kooxda Xizbul Islaam oo baalashada laga soo rifay  muddo dheerna ku hoos noolayd shabaab ayaa hada danta biday in ay shabaab ku biirto.

Wadaadada lagu kala magacaabo Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Xizbul Islaam iyo Axmed Cabdi Godane oo ah ninka hogaamiya Shabaabka ayaa shir yeeshay islana gartay in ay isku biiraan labada urur.

Ragga illaa hadda aynu muuqaaladooda helnay oo shabaabka isku dhiibay ayaa waxaa ka mid ah:-

Sheekh Xasan Daahir Aweys Hogaamiyihii Xizbul Islaam,Ku xigeenkiisa  Sheekh Maxamed Mirre, Xoghayihii guud Sheekh Cabdalla Khadaad waxaana warar kale ay sheegayaan in Macalin Xaashi Maxamed Faarax gudoomiyihii Muqdisho, C/qaadir Kumaandoos Taliyihii iyo madaxtii Tababarka Xizbiga ay iyana ku jiraan ragga shabaabka ka mid noqday oo is dhiibay.

Waxaa dhaqdhaqaaq muuqda oo kala wareejin ciidan ah laga dareemayaa Ceelasha Biyaha,Siinka dheer,Afgooye iyo gudaha Muqdisho waxaana caawa fiidnimadii si toos ah warkaasi looga soo xigtay Xasan Daahir raga ugu dhow oo ceelasha ku sugan lana kulmay Abuu Zubayr ama Axmed Godane oo ah amiirka shabaab.

Daawo Sawirada Saraakiisha la yaqaan ee is dhiibtay:-

DSC03806

Hogaamiye Xasan Dahir

DSC03802

Midig: Xasan dahir,Dhexda :Sheekh Maxamed mire, Bidix:- Cabdalla Khadaad

DSC03799


Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: