Calendar

Ciyaaraha Gobolada: Banaadir Vs Sool,Hiiraan Vs Sh/Hoose (Sawiro)

Ciyartoyda Banadir iyo SoolBartamaha (Garoowe):- Ciyaaro Kulul oo galabta la ciyaaray Koobta tartanka Gobolada Soomaaliya ayaa waxaa isku dhacay Gobolo taageerayaal badan kala lahaa.

Ciyaarta hore oo bilaabatay 2:00-Duhurnimo ayaa waxaa isku dhacay Gobolada Sh/Hoose iyo Hiiraan oo ciyaar wanaag soo bandhigay.

Ciyaarta hore ayaa waxa ay ahayd mid sabab ka dhigtay in Kumanan dad ah ay garoonka soo buuxiyaan ka gadaal markii labadan Gobol ay soo wada bandhigeen ciyaartii ugu wanaagsanayd ee tartankan la ciyaaro.

Waxaa is jiid jiid ka dib waxaa ciyaarta ay ku idlaatay 3-2 oo guusha ay kju raacday Xulka Kubada Cagta Ee Hiiraan.

Dhanka kale waxaa ciyaar aad u kulul oo la isku riiqmay ay dhex martay Xulalka Gobolka Banaadir iyo Sool oo taageerayaal badan lahaa maanta markii ay is arkeen muddo badan ka dib ah.

Xulka Gobolka Banaadir ayaa looga naxsaday 1-gool waxaana Ciyaarta Kaambiyadii hore lagu maray 1-0 oo calanka loogu sito Xulka Banaadir oo qalqal la galiyay.

Sanasho ka dib waxaa la isku soo laabtay fagaarihii waxaana daqiiqado badan oo la ciyaaray ka dib gool helay Kooxdii u ciyaaraysay Gobolka Banaadir oo si wanaagsan u aar goosatay markii shabaqa si awood ku jirtay ay ula heshay Gool.

Ciyaartaasi ayaa ku dhamaatay 1-1 oo barbar dhac ahayd waxaana Labada Xul Ee Sool iyo Banaadir ay ku kala tageen Min Hal dhibic oo ay qaateen.

DAAWO SAWIRADA:-

Ciyaarta banaadir iyo Sool

ciyaarta Hiran iyo Sh Hoose

Ciyartoyda Banadir iyo Sool

shabeelaha hoose

hiiraan

kabtanada Hiran iyo Sh Hoose

shabeelaha hoose

shabelada Hoose

Sool

Taageero

Tagero

Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: