Calendar

Askarta Dowlada oo Xabsiyada dhigay Boqol dhalinyara ah.

la qabtayBartamaha (Muqdisho):- Askarta Dowlada KMG ah ayaa bilaabay qabqabashada dhalinyaradii ugu badnayd kuwaasi oo Xabsiyada la dhigay.

Boqol dhalinyara ah ka badan oo laga soo qabqabtay Degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir oo ay si xoogan u maamusho Dowlada KMG ah iyadoo dhammaan dhalinyaradaasi xabsiyada dowlada la dhigay saacadihii u danbeeyay.

Dhalinyarada la qabqabtay ayaa dhammaan waxa ay ahaayeen kuwa dagan Degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir oo ah labada degmo oo si madax banaan ay dowlada u maamusho.

Warar si hoose u soo gaaray www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in Howlgalka dhacay saacadihii u danbeeyay ay masuul ka ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Wadajir iyo qaar ka mida Hogaamiyayaashii dagaalka.

Hogaamiyayaasha dagaalka ayaa la sheegay in ay dalbadeen soo xerida dhammaan dhalinyarada tagta dhulka Mucaaradka iyo qaarka sida dhabta ah loo hubo in ay xiriir la leeyihiin Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Dadka la qabqabtay ayaa la soo sheegayaa in saacadihii u danbeeyay loo sii dhaadhicinayay Villa Somalia Xabsi ku yaala oo la aaminsan yahay in dhaqaale culus lagu sii daayo cidii halkaasi la dhigo.

Waalidiin badan ayaa maanta xiriira la samaynayay warbaahinta iyaga oo ka daba qeylinayay madaxda ka danbaysa xariga dadka rayidka ah iyo dhalinyarada la aaminsan yahay in lala xiriirinayo Alshabaab.

Waalidiinta qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in dhalinyarada la qabqabtay la doonayo in dhaqaale laga qaato markii la geeyo gudaha Xabsiga ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya Ee Villa Somalia halkaasi oo dad badan horay dhaqaale culus looga qaatay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: