Calendar

Qaabki looga ciiday (Ciid-ul-Adha 2010) Toronto – Canada

canadaBartamaha (Toronto):- Waxaa maalinki Talaadada oo ay taariikhdu ahayd November 16,2010 isugo soo baxay kuna ciiday markazka weyn ee Dar-ul-Hijra ee ku yaal magaalada Toronto,Canada dad aad u tira badan si ay u oogaan shacaa’irta weyn ee Ciid-ul-Adxada. Dadkaas Muslimiinta ah oo kumanaan kor u dhaafay wajigoodana ay ka muuqatey farxad iyo ray-rayn aad u fara badan.

Salaaddii Ciidda kadib waxaa halkaas khutbad aad u qiima badneyd oo kooban ka soo jeediyay Sh.C/Khaaliq Cabdullahi Nuur oo ah Imaamka  Markazka Dar-ul-Hijra.

Waxaa kaloo halkaa la dhigay qalabka carruurta lagu maaweeliyo oo kala duwan  iyo cuntooyin kala duduwan si ay dhammaan qoysas-ka iyo caruurahooduba ay meel qura ooga wada helaan wax walba oo ay ku farxaan munaasabadaan barakeysan.

Sidoo kale waxaa lagu qabtay tartan kubadda kolayga ah  oo ay soo diyaariyeen dhallinta (youth) Cayaaryahannada markazka oo socotay kuna tartameen kooxo kala duwan illaa fiidki .

Ugu danbayn  Maamulka Markazka Darulhijra wuxuu hanbalyo iyo boogaadin u dirayaa ummadda Muslimiinta iyo Soomalidaba ah guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa ku dhaqan Toronto iyo nawaaxigeeda.

Waxayna  idin leeyihiin: Ciiddaan ciiddeeda kale ku gaara nabad, barwaaqo, caafimaad iyo cibaado suubban, “kullu caam wa-antum bikhayrin”.

A  M  I  N        A  M  I  N        A  M  I  N        A  M  I  N        A  M  I  N

Wixii Faahfaahin ah lasoo xiriir:

C/rashiid Cali Maxamed

Maamulka Markazka Dar-ul-Hijra Islamic Centre – Toronto

DAAWO VEDIO:-

Qaabki Looga Ciiday Toronto (Cii-ul-Adha 2010)

Halkan ka dalbo:-


https://cid-2c7922f3e3bd1928.photos.live.com/play.aspx/Qaabki%20Looga%20Ciiday%20Toronto%20%5E5Cii-ul-Adha%202010%5E6/ciidal%20adxa%202010%20nov-16%20324.JPG?Bsrc=Photomail&Bpub=SDX.Photos&wa=wsignin1.0&sa=63501817

Comments

comments

Category : Canada [Diaspora], Featured, The Story, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: