read more »">
Calendar

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay burburinta dhismayaasha WFP Ee Garoowe

Baarlamaanka-Puntland5Bartamaha (Garoowe):- Baarlamanka Puntland ayaa codka kalsoonida u qaaday mowshin laga soo diyaariyay dhismayaal WFP ka dhistay gudaha Magaalada Garoowe.

Dhismayaal ay ka dhistay Hay’ada WFP agagaarka garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa la go’aansaday in dhulka lala simo ka gadaal markii sababo ammaan darteed go’aankaasi maanta ay u ansixiyeen Baarlamanka.

Baarlamanka ayaa fadhiga maanta ka yeeshay arinka dhismayaasha WFP iyo anteenooyin ay ka dhistay agagaarka garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe taasi oo la goostay in la dumiyo dhamaan dhismayaashaasi.

Dhismayaasha ayaa waxaa la sheegay in ay halis galinayaan dadka deegaanka iyo diyaaradaha doonaya in ay ku dagaan garoonka Magaalada Garoowe Ee Gobolkaasi  Nugaal.

Xildhibaano la safnaa WFP ayaa diiday in cod loo qaado arintaasi maadaama hanti badan ay hay’ada galisay sidii Bakhaarada gargaarka ay raashinka ugu xaraysan lahayd waxaana taasi ay noqotay mid ay ku hingoobeen markii Codka Kalsoonida loo qaaday.

Xildhibaanada badankood ayaa waxa ay dalbadeen in dhulka lala simo dhismayaasha iyo anteenooyinka wfp Maadaama halis badan ay ka dhalanayso xiliga diyaaradaha ay ku daganayaan garoonka Garoowe.

Ma jiro wax war ah oo laga haayo dhanka WFP oo aan la ogayn sida ay go’aanka laga gaaray dhismayaasheeda ugu hogaansami doono.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: