Calendar

Banaanbax rabashado watay oo looga soo horjeestay Xizbul Islaam.

banaaaBartamaha(Ceelasha-Biyaha):-Banaanbax aad u balaaran oo rabashad watay ayaa maanta ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyala illa Xaawo Cabdi duleedka Magaalada Muqdisho.

 Banaanbaxa rabshada watay ayaa waxa uu ahaa mid looga soo horjeeday Kooxda Xizbul Islaam oo amara culculus dul dhigtay dadka Dhibanayaasha soo barakacay ee dagan Xaawa Cabdi illaa Ceelasha Biyaha.

Banaanbaxa oo ay dhigayeen Caruur,Haween iyo dhalinyaro la faray in ay isaga guuran dhismayaal ay ka daganaayeen Goofaf ku yaala wadada hareerteeda Deegaanada u dhexeeya Ceelasha Biyaha iyo Xaawa Cabdi.

Sida wararka aynu ka helnay Banaanbaxa maanta dhacay ayaa waxa uu salka ku hayay cabasho ay shacabka muujinayeen oo ku saabsanayd in aanay awoodin ka guurida goofafka Barakacayaasha oo ay ka daganaayeen dhulka loo barakacay.

Dadka Banaanbaxayay ayaa xiliga banaanbaxa socanayay waxa ku soo baxay saraakiil Xizbul Islaam ka mida kuwaasi oo amray in la joojiyo dibadbaxa taasi oo qasab ka dhigtay in rabashad ay sameeyaan Barakacayaasha.

Ma jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay banaanbaxa maanta dhacay Deegaanka Xaawa Cabdi illaa Ceelasha Biyaha oo shacabka banaanbaxayay ay socod ku mareen.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: