read more »">
Calendar

Dab qasaara Nafeed dhaliyay oo maanta ka kacay Boosaaso.

dab0Bartamaha(Muqdisho):- Dab xoogan oo qasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa maanta qabsaday Xero Barakacayaasha ay daganaayeen Bariga Magaalada Boosaaso.

Dabka ayaa waxa uu ka kacay xero ay daganaayeen Boolaal shacab Barakacayaal ah oo dagan Bariga Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari kuwaasi oo maanta gurya la’aani soo wajahday.

Dabka ayaa sababay dhimashada 1-qof oo shacab ah iyo dhaawaca 2-kale markii dabka uu ku baahay dhammaan xerada ay daganaayeen dadka Barakacayaasha ah.

Dabka damintiisa ayaa la sheegay in ay si weyn uga qeybagaleen Laamaha ammaanka iyo Maamulka Gobalka Bari oo si weyn u saaciday Barakacayaasha dabka qabsaday dhismayaashii ay daganaayeen.

ma aha markii ugu horaysay oo dab nuucaani ah uu ka kaco Magaalada Boosaaso waxaana marar badan gubtay dhismayaasha Barakacayaasha ee Xerada Biya Kulule oo ku taala Boosaaso.

Maanta ayaa waxaa la aaminsanyahay in ay gurya waayeen in ka badan 850-Qoys kuwaasi oo badankood ahaa kuwa barakacayaal aan haysan awood ay ku helaan nolosha caadiga ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: